Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan ayaa maanta loo dhaariyey xilkaasi, waxaana ka qayb galay munaasabadda lagu dharinayey Guddoomiyeha Maxkamadda sare ee dalka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya ahna ku simaha guddoomiyaha golaha shacabka, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan barlamanka Feederaalka .
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukate Caydiid Cabdulahi Ilka-Xanaf ayaa dhaariyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda biyaha iyo korontada ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya isla markaana uu aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ku-simaha guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad barlamanaka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Marwo Sahra Cabduqaadir ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo dhiibay kuna bogaadiyay inay gudato waajibaadka loo idmaday.
Sahra Cabdulqaadir Cabdirahmaan oo loo dhaariyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna ka mid ahayd ilaa dhismihii dowladihii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, iyadoo xilal kale duwan ka soo qabatay Xukumadihii dalka soo maray.