Quantcast
Channel: Search Results for “feed”– Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 176

Gudiga Fulinta ee GOS oo shirk u yeeshay Muqdisho”SAWIRRO”

$
0
0

WhatsAppShare

Shirkii saddex biloodlaha ahaa ee guddiga Fulinta GOS ayna ka soo qeyb galeen  xubnaha guddiga fullinta ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo guddoomiye Sharafeedaka GOS Cabduqaadir Gacal Abkoow  ayaa lagu qabtay Hotel Shamo ee magaalada Mogadishu.

Shirkan oo uu guddoominayey guddoomiyaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi ayaa ugu horeyntii waxaa guddiga u soo jeediyey warbixin ka hadlaysa waxqabadkii GOS ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay Xogahaya GOS Duraan Axmed Faarax isagoo qeexay hawlihii lagu guulaystay, caqabadihii ka horyimid iyo howlaha soo socoda.

Warbixintaasi ka dib ayaa waxaa xubnaha ay guda galeen ka doodista ajandaha shirka, oo qodobadiisa  ay ka mid ahaayeen u diyaar garowga Maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed  (Athletes Day) oo guddiga ay horay isugu raaceen in 6-da April loo dabaaldego, soo jeedin guddoomiye Tarabi uu soo jeediyey in la kordhiyo miisaaniyada dhaqaale ee sanadkiiba ay GOS siiso xiriirada si xiriirada ay u horumaraan iyo u diyaargarowga ciyaaraha All African Games oo bisha  September ee sanadkan  ka dhici doona  dalka Congo.

Xubanha guddiga Fulinta ayaa isku raacay dhamaan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee shirka, waxay dhanka kale isku raaceen  qaabka xubno cusub ugu soo biiri karaan guddiga Fulinta iyo waxa laga yeelayo haddii mas’uul guddiga fulinta ku soo galay xiriir uu madax ka ahaa uu waayo xilka xiriirka uu madaxda ka ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi oo la hadlay xubanaha guddiga fulinta ayaa sheegay in sanadkan  ay qaateen talaabooyin muhiim ah.

“Waxaan kulminay bahdii hore ee isboortiga si aan talo horumarineed ula wadaagno, Waxaan kulamdo la qaadanay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga iyo Afhayeenka Barlamaanka si ay dowlddu u qaadato doorka ay ku leedahay horumarinta isboortiga Dalka” Ayuu guddoomiye Tarabi u sheegay Xubanaha Guddiga Fulinta waxuuna kula dardaarmay  in ay  u istaagaan howlaha adag ee horyaalka  GOS.

 

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale guddi u saaray  Munaasabadda maalinta loo asteeyay Ciyaartoyda Soomaaliyeed  Somali Athletes Day.

 

IMG_2059 IMG_2061 IMG_2062 IMG_2069 IMG_2073 IMG_2097 IMG_2104 IMG_2113 IMG_2125 IMG_2133 IMG_2149 IMG_2160 IMG_2169 IMG_2176 IMG_2182 IMG_2186 IMG_2189 IMG_2200 IMG_2213

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 176

Trending Articles