Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee QM arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee bahalnimada ahaa oo ay Shabaab ka gaystay hotel SYL ee magaalada Muqdisho shallay oo talaada ahayd. Keating waxa uu xusay in ay tahay markii 3-aad oo ay maleeshiyaadka mayalka adag weeraraan hotel-ka,waxana ay ahayd sannadkii 2015-ka markii hotel weerar noocan oo kale lagu qaaday, inta la dayactiray baa dib alaabadiisa loo furay, haddana tani ma cabso gelinayso ee awaad bay u yeelaysaa dadka Soomaaliyeed ee ganacsigaas ku jira ayuu ku yiri. “Ciidanka amaanka ayaa hakiyey khasaaro badan oo nafeed oo uu gaysan gaariga kharxay, waxan tacsida la wadaagayaa dadka ay ehelkooda ku dhintay mashaqada, kuwa ku dhaawacmayna, waxan u rajeynayaa in si dhakhso leh ay uga soo bogsadaan”, Micheal Keating ayaa ku yiri bayaan ka soo baxay xafiiskiisa. Wakiilka gaar ah midowga Africa ahna madaxa Amisom ayaa sidoo kale cambareyey weerarka, waxa uuna amaanay doorka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka qaateen weerarka lagu qaday hotel SYL. “Waxaan bogaadinayaa feejignaanta Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo fal celinta dhakhsiyaha leh ee ay sameeyeen, ciidanku waxa ka go’an aysan siin wax fursad ah oo Shabaab u suura gelin kara in ay sida [...]
↧