Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Bilad Sharafeed iyo Shahaaddo gudoonsiiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim. Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiirka Arimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Masuuliyiin kale. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim ayaa ku mutaystay abaalmarintaan doorkii waynaa ee uu ka qaatay dhismaha Maamul goboleedka Hirshabelle oo dhismihiisa dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Jowhar, waxa uuna Yahye muddo ku dhow hal sano uu soo qabtay howl naf hurnimo ah oo ku wajahan sidii guul looga gaari lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle.
↧