Xaflad ballaaran oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan. Xafladaan ayaa ujeedadeedu aheyd sidii loo dooran lahaa hoggaanka jaaliyadda magaalada Karachi ee gobolka Sindh Pakistan, iyadoo hoggaankii hore xilkii ka dhamaaday , xafladfa waxaa soo qaban qaabiyey guddi ka kooban 7 xubnood kuwaas oo ay soo magacaabeen odayaasha magaalada Karachi dhaqaalaha ku baxayna waxaa bixisay safaaradda Soomalidu ku leedahay waddanka Pakistan oo ay hormuud ka tahay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Pakistan. Waxaa ka hadlay xafladda gudoomiyaha guddiga qaban qaabada Abubakar Xasan Maxamed isagoo u mahad celiyey Danjiraha Safaaradda Soomalida ee Pakistan Khadiijo Al-makhsuumi iyo shaqaalaha safaaradda ee gacantii xoogga laheyd ka gaysteen qabashada xafladda, intaas kadib waxuu marti sharaftii loo qeybiyay jadwalka xafladda Iyadoo la siiyay waqti kooban lasiiyey tar tamayaashii uu tartamayey hoggaanka jaaliyadda Karachi oo ahaa 4 musharax mid kastaana waxuu soo bandhigay waxa ay tahay in lagu doorto iyo waxa uu qabanayo haddii la doorto. Codeynta oo aheyd mid qarsoodi ah ayaa lagu ridayey santuuq la dhigay dadka hortooda qof walbana arki karay, wareeggii koobaad waxaa iskugusoo haray laba musharax, iyadoo wareegi labaad uu ku guuleystay musharax Siciid Cabdi [...]
↧