Kooxda Al-Shabaab saddexdii sanno ee u dambeysay waxaa ku dhacay burbur siyaasadeed iyo mid hoggaaminneed ama ciidan kaddib dilkii hogggaamiyahoodii Axmed Godane oo dhacay bishii September ee sannadkii 2014-kii, kooxda ayaa qiratay dilka Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo magaciisu ahaa (Axmed Godane ) isla bishii uu dilka dhacay Godane waxaa dilkiisa ka hor uu hormuud ka ahaa ragga Al-Shabaab horjoogeyaasha ka ah ee Mareykanka uu madaxooda lacago badan dul dhgigay bishii June ee sannadkii 2012-kii, markii Milatari ahaan kooxda looga adkaadey dagaalladii ay la galeen ciidammada dowladda iyo AMISOM waxa ay bilaabeen in ay ka xeeladeystaan deegaannadii gacantooda ka baxay halka goobaha qaar xoog looga saaray. Godane waxa uu qorsheeyey in uu khaarajiyo raggii isaga ku xigay, kuwaas oo uu u arkay in ay marin-habaabiyeen qorshihii uga degnaa dagaalladii lagu jabiyey, raggaas waxaa ka mid ahaa Ibraahim Afghan, Mukhtaar Rooboow, Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya & Sakariye Ismaaciil Xirsi oo xiligaas ahaa madaxii Sirdoonka laakiin hadda aan ka tirsaneyn Al-Shabaab iyo kuwa kale oo badan si uu u badello ahaadiiftiisii ku aaddaneyd in uu ku sii wado dagaallada argagixiso ee Soomaaliya, maadaama awood ahaan kooxdu ku fashilantay damaceedii ahaa in Soomaaliya ay ka dhigaan dal [...]
↧