Wafdi uu hogaaminyo Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan ayaa Booqday Qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Dalka Suudaan isagoo la saxiixday Heshiis dhanka deeqaha Waxbarashada ah. Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdi Daahir Cusmaanoo Maalintii labaad howlo Shaqo u jooga Khartuum ayaa booqday laba kamid ah Jaamacadaha ugu waaween ee Dalka Suudan isagoo Booqashadiisa ku bilaabay Jaamacada Axfaad oo ah Jaamacd ay dhigtaan Dumar kaliya wuxuuna Wasiirka halkaasi kula kulmay Gudoomiyaha Jaamcadaasi Qaasim Badri wuxuuna ka dhageestay Warbixin kooban oo quseeya gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacdaasi. Gudoomiyaha Jamacadaasi Qaasim Badri oo warbixin siinayay Wasiirka ayaa cadeeyay in Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin kuwo firfircoon dadaal badan kana soo baxa dhamaan shuruudaha u dagsan Jaamacadda. Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa isna ka mahadceliyay Warbixinta Gudoomiyaha Jamacada Axfaad uu siiyay isagoo tibaaxay in Suudaan kaalin weyn ka qaadatay Jaamacadaheed soo saarista hogaan tayo leh oo doorkoodu ka muuqdo Wadanka Soomaaliya sharafna u tahay Jaamacada Axfaad in ay soo saartay mid ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed oo xiligan ah Gudoomiye Bankiga. Dhanka kale Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Jaamacada Zaciimal Al-azharri kuna qaabilay halkaasi Gudoomiyaha Jaamacadasi isagoo madaxda Jaamacada qado [...]
↧