Muqdisho,30 Aug 2017:-Kulankaan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda argagixiso ee suurtagal noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah . Kulanka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray sidii waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, ayna ka soo saaraan kuwa hadda ku jira gacanta Alshabaab maadaama horjoogeyaashii ugu sareeyay kooxdaasi ay billaabeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi ayna isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya. isku keenkan dadweyne waxaa soo agaasimay maamulka degmada yaaqshiid, waxaana ka qeyb galay maamulka gobalka banaadir xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya. Axmed Maxamed Xasan Geedoow gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa shacabka ka dalbada iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada Ammaanku ay soo qabteen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii gobalka galgaduud oo horraantii bishaan lagu dilay gudaha dagmada. Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay iney shacabku ciidanka la shaqeeyaan, waalidiintuna xiriir dhaw la yeeshaan caruurtooda, haddii hadda ay Al Shabaab ku maqanyihiina kasoo saaraan. Sheekh Cali Sh Maxamuud Sh Cali-dheere Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta [...]
↧