Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii shalay 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey. Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda. Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga. Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa [...]
↧