Ragga hubeysan oo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weeraray isla markaana burburayay taawarkii ama anteenadii isgaarsiinta tuulada Fina oo hoosyimaado deegaanka Lafey oo kamid ah is maamul goboleedka magaalada Mandera ee gobolka Woqooyi bari ee dlaka Kenya. Taliyaha booliiska ee deegaanka Lafey Bosita Omukolongolo ayaa sheegay in weerarka uu dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii xalay oo khamiista aheyd. “Waxaa jiray rasaas xoogan oo ay is weydaarsadeen kooxdii weerarka soo qaatay iyo booliiska deegaanka ammaankiisa gacanta ku hayay, laakiin ma jirin wax khasaare nafeed ah oo ilaa iyo hadda la soo wariyay, ” ayuu hadalkiisa raaciyay taliyaha. “Waxaan ogaanayna tirada saraakiisha booliiska ee halkaas joogay markii xalay weerarka uu dhacayay waana soo tiranay dhammaan ciidanka booliiska,” ayuu yiri Mr Omukolongolo. Sacad Abajaano oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka Fino ayaa sheegay in ay adag tahay in la xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee deegaanka maadaama isgaarsiinta deegaanka hawada maqan tahay. Waxaa uu dowladda ka codsaday in ay la xoojiyo adkeynta ammaanka deegaanka ” sababta loo beegsanaayo anteenooyinka isgaarsiinta waxay rabaan in ay weerar ku soo qaadaan markale.” 26 Juun ee sanadkan, ayaa sidan oo kale laburburiyay anteenadii isgaarsiinta tuulada Damasa oo ka tirsan deegaanka Lafey kadib [...]
↧