Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamanka Galmudug oo ka qeyb galay Kulan dib u heshiisiin Beeleed ah oo ka Furmay Galkacyo. Kulankan oo ahaa mid lagu heshiisiinayo beelo Soomaaliyeed oo muddo ay ka dhax jirtay colaad sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka furmay magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Furitaanka kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Galmudug xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Galkacyo iyo waxgarad ka kala socada dhinacyada ay colaadu ka dhax jirtay. Kulanka oo loogu magacdaray heshiinta Galkacyo ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay gudoomiye ku xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyadda gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar “Maanta waxaan idinka codsanayaa in waxa loo fadhiyo aan meesha looga kicin oo la soo af jaro colaad iyo dhib danbe oo aan irada hotelkaan aan lagala dagin” ayuu yiri Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa ka hadlay qaar ka mida nabadoonadii labada dhinac kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweeynayaan in laga heshiiyo wixii horay u dhacay iyagoona balan qaaday in ay meel marin doonaan qodabada ka soo baxa shirkaan oo lagu wado inuu socdo muddo dhowr maalmood ah Ugu danbeyna waxaa madasha furitaan shirkaan dib uheshiisiineed ka hadlay wasiirka wasaarada Dastuurka iyo dib uheshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Maxamed [...]
↧